Wadnaha
Waxa aan ka hadlaynaa wadne istaaga
Marka koobaad wadnuhu waxaa uu qabtaa ?
Wadnuhu waa xuninka uqaabilsan xubnaha aadamaha inuu gaadhsiiyo dhiiga una bam gareeyo jidhka oo dhan.
Wadnaha waxa la tilmaama inuu shaqada bilaabo qofka oo ku jira uurka hooyada 5 wiig oo kaliya waxana uu shaqadaa wadayaa ilaa uu qofku dhimanaayo.
Wadneheenu waxa uu malintii garac sameeya inka badan 100000 oo jeer se enagu ILLAHAY QUDRADII shaqada baxadaa leh ma ogsoonin.
Hadii aan isku dayo marka koobad inan casharka ciwaanka inoo saran aaan guda galo.
wadna istaagu waa marka ay xididada wadnaha waraabiyaa midkamida uu isku gudbo xinjiri kabacdi ay xidhmaan.
Marka uu xidhmo xididkaasi waxa istaagaysa sidhakhsaa xididkaasi jidhka intii uu warabinaayay kabacdi jidhka intaasi waa dhimaanaysaa.
Hadaba maxaa unuglaykara qofka wadne istaaga ?
1- tubaakada
2-qofka oo misaankiisu aad uu usiyaado
3-dadka aan ahayn aktifka een socon ama aan sport samayn
4-dadka macaanka la nool
5- dadka dhiikarka la nool
Waxa kale oo jira khataro aan waxba laga qaban karin waxa kamida
1-da ada raga 45 dumarkana 55 sano.
2-dadka madaw waa ay uga nugul yihiin dadka cadaanka
3-inaad walidkaa ka hidaysatid
Hadaba maxaa lagu gartaa calamado ee uu leyahay wadna istaagu?
1- laabta ood ka dareento xanuun oo aanad tilmaami karin kuna baahsan laabta oodhan
2-inuu qofku marwalba dhidid sanyahay
3-inuu qofku yalaalugo leeyahay
4-inuu naqasku qabto
Waxa kale oo jira oo ayaduna khatara oon calamada ugu mihiimsan ee laab xanuunku ku dhicin 3 qolo waxa kamida
1-dadka waawayn
2- dadka macaanka qaba
3-iyo dumarka
Waxa ay ayagu yeelan karaan itakale ee calamadaha kamidka sida daalka, caajis tamar la an, matagii.
Sidee baa qofkan lagu ogaankaraa?
1- qofka xaladaha aan soo shegnay ku jira
2-in qofka laga qaado sawirka wadnaha kaso mujinaya inay xididadu xidhan yihiin.
3-in dhiigag laga qado.
Maxa ku haboon bukaanka iyo isbutaalakaba ?
1-cisbitaka kahor qofka in adeeg loo fidin karo
2-isbitaalku ma leeyahay adeeg ku haboon inuu xinjirta bur buriyo 2 sacadoodna adeega loogu dhamaystiraa bukaanka
Maxaa lagag hortagi karaa wadno istaaga hadaba?
1- inaad noqoto mid firfircoon oo sport sameeya
2- inuu qofku cuno cunto isku dheeli tiran
3-inuu qofku miisanka dhimo
4- tubaakada inuu joojiyo
5- in uu qofku kaantaroolo dhiikarka iyo macaanka
6- in uu qofku soomo wayo waxa la ogaaday inay soonku ka hortagto xanuunada wadnaha
Wa bilaahi tawfiiq fadlan sii gudbi
No comments:
Post a Comment